casharo qoraalo ah

cashar ku saabsan internet-ka

Waa maxay internet?
INTERNET waa shabakad caalami ah oo ah computer-rro iskugu xiran xadhkaha  telefoonnada ama SATELLETE ama qaabab kale.
Computer-rada ku xiran internetka guud ahaan waxay ukala qeybsamaan labo qeybood : servers iyo browsers.
                  Servers
Servers waa computer-rada ay ku keedsantahay website-yada iyo  xogta laga aqrisanayo internetka sida wararka ,maqaallada, maqalka…..iwl
servers oo ah shirkada ama computer-rad bixiya internetka waxay ukala qeybsamaan laba qeybood ookala ah ISP Servers iyo HOST servers.
               ISP servers
ISP waxaa laga soo gaabshay <internet sevice provider> waana shirkada bixisa adeegga internetka sida TELESOM ama SOMTEL.
              Host servers
Host servers waa shirkadaha keeydiya website yada, marka aad rabto in aad sameysato website caalamka dhan laga booqan karo waxaad ubaahantahay shirkad  maqaallada iyo waxkasta oo ku jira website kaaga kuu keydisa, qaar kamid ah shirkadahaas waxaad siineysaa bilwlba lacag yar oo 10 ama 5 doolar ah qaarna waa free.
                 Browsers
Waa computer-rada ay dadka caadiga ah isticmaalayaan oo ay internetka wax uga aqrisanayaan.
           Internet browsers
Browser waa program loogu tala galay in lagu aqristo ama laga galo internetka barnaamijyadaas waxaa kamid ah operamin, internet explorer ama firefox.
       steps of laoding page🔎
marka aad furto browserka ama barnaamijka internetka laga galo oo aad qorto ciwaan sida
kadiyegroup.com ood inter dhahdo, dalabkaagu waxa uu marayaa ilaa 4 step:
1)      BROWSER kaaga ayaa ISP server ka ama shirkada internetka ku siisa waxa uu weydiinayaa page ka ama webka aad qortay ciwaankiisa.
2)      ISP serverkaaga ayaa waxa uu raadinayaa host serverka ama shirkadda uu ku keydsanyahay webkaas,marka ay heshana waxa ay ka dalbeysaa inuu webkaas usoo diro.
3)      Host serverka oo ah shirkada website ka uu ku keydsanyahay ayaa usoo direysa webkaas ISP server ka ka dalbaday.
4)      ISP serverka oo ah shirkada internetka ku siisa ayaa ayadana usoo direysa webkaas
browserkaaga saas ayaadna ku aqrisaneysaa websitekii aad ciweaan kiisa qortay.
                  Webpages
Webpage waa bogagaga internet ka laga aqrisanayo oo qoraallada ah.
Tusaale ahaan qoraalkan hadda aad aqrinayso waa webpage ku dhex jira websitekan Sida codadka Format-kooda uyahay .mp3 ama AMR
Webpageka format-KIISU WAA .html
                   Websites
Website ku waa webpages, sawirr,codad iyo waxyaabo kale oo la isku geeyay.
Websiteku waxaa uu ka koobnaan karaa 1 webpage iyo wax ka badan.
Webpageska , sawirada iyo waxyaabaha kale uu ka kooban yahay website-ku waxa ay ku jiraan folder ku dhexyaalla computer ka shirkadda website ka keydineysa ama host server( aad ciwaank host server)
Folder kaan waxa uu leeyahay ciwaan loo yaqaan URL <uniform resource locator> Si marka browserka uu raadinayo websiteka uu uhelo.
Tusaale : kadiyegroup.com
Marka aad browserka galisid ciwanka website sida kadiyegroup.com ood gashid websiteka pageka ugu horeeya ookuusoo baxaya waxaa looyaqaan Homepage,kadib ayaad booqankartaa webpages ka kale ee uu ka koobanyahay website ka.
Marka website lasameynayo waxa ugu muhimsan ee loobaahanyahay waa 3 waxyaalood:
1) program sameeya webpage ama html documint , waxaana ugu yaraan loobaahanyahay Text editor SIDA wordpad ama notepad.
2) host server oo ah meeshaa aad ku keydinayso website-ka.
3) upload program oo ah software ama barnaamij kuu suurto galinayo in sawiro,vedio ama webpage yo ku jira computerkaaga in aad soo galiso website kaaga.
Qaarkamid ah host servers ka ama shirkadaha keydiya website yada waxa ay leeyihiin upload program diyaar ah ood isticmaali karto.
              IP adress
Computerkasta oo ku xiran internetka waxaa uu leeyahay ciwaan sida taleefanada la is ka waco ay u leeyihiin lambarro.
Ciwaankaas waxaalooyaqaan ip adress. Markasta oo aad internetka gashid shirkaadda internetka ku siisa  SIDA TELESOM ama SOMTEL waxa ay kuu sameyneysaa IP adress cusub, oo markasta joogto ma ahan ip adress ka ay ku siinayso
IP ADRESS Ku waa numberro isdabatixan oo dhibco loo dhexeysiiyay .
numberadaas waa afaar koox oo loo dhexeysiiyay dhibco.
TUSAALE: 81.22.135.255 qeybkasta waa in aysan ka badan 255.
sidaa darteed Ip adress ma noqonkaro sidan:    25 . 256 . 215 . 26 maxaa yeelay godka 2aad waa 256 waana ka badanyahay 255.
– Numberada IP adresska waxaa laga oogaan karaa meesh aad joogto iyo shirkadda aad isticmaaleysid
TUSAALE:
86. 51. 36 . 41
86 =  waxay sheegeysaa dalkaaga
51 =  waxa ay sheegeysaa cidda kamas uul ka ah internetka wadankaas
36 = waxay sheegeeysaa shirkadda internet keeda aad isticmaaleyso
41 = waxa ay sheegeysaa lambarka aad ka tahay inta qof oo isticmaaleysa interneka shirkadda internetka ku sii sa waqtiga aad galeysid.
Hadaad rabtid in aad ogaatid IP address kaaga kaliya booqo websiteyadan: formyip.com ama whatismyipadress.com waxa ay kuu sheegayaan   wadankaaga , shirkada aad isticmaasho magaceeda iyo qaarad ama map tusinaya halka aad joogtid!
Sidaa darteed waxaa la ogaankaraa halka aad aduunka ka joogtid haddi mar aad gasho internet ka.
Waxaase jira program yo qarinkara IP ADRESS kaaga.

         Taariikh kooban
INTERNET ku waxa uu kasoo bilaawday wadanka mareykanka, sanadii 1957 ayaa wasaarada difaaca mareykanka ayaa sameysay wakaalad qaabilsan cilmi barista oo loo bixiyay ARPA <ADVANCED RESEARCH PROJECT AGENCY>
Wixii intaa ka danbeeyay ARPA iyo ayaa waxa ay bilaawday in ay isku xiraan computerrada qaar kamid ah wasaarada dowlada mareykanka iyo jaamacadaha ayaga oo isticmaalaya fiilooyinka taleefanada, kadib waxaa bilaawday shabakado yaryar oo ay ganacsatada isticmaalayeen.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Barashada HTMLKa Casharka Shanaad 5

Barashada HTMLKa Casharka Afraad 4

Baro HTML Casharka Sadexaad 3