BARASHADA WEB DESIGN ARARTA

webdesign macnahaad ka fahmi kartaa oo in qofka naqshad u sameeya siduu webkiisa ama webpage uu sameeyo ay u e kaanlahaayeen waa cilmi ka mid ah cilmiga labarto waxayna u baahn tahay sabir iyo in qofka uu alle uga cabsado wuxuu webkiisa saaraayo si aysan aakhiradiisa u galaafan marka hadaad doonayso in aad barato waxaan kaasiinayna fikrad gaaban oo cilmigeena heerka uu gaarsiisan yahay ilaahayna waxaan kabaryeeyna in cilmiga noo kordhiyo waxaa dhici karta in aan sidaad jeceshahay uga hadli waaye laakiin waxaan soo bandhigaayaa kaliya inta ka aqaano kaliya inta kalena waxaad ka doonan doontaa walaalaha nagu dhaamo qaybtaan web design.marka maxaad u baahan tahay hadaad rabto inaad barato waxaa qasab ah in aad wax ka taaqaano luuqada lagu sameeyo webpageyada sida hoos ku xusan
1) HTML Hyper Text Mark Up Language www.Draac.com
2)Java Serverpage(Microsoft)
3) Java Script(Sun MicroSystem)
4) Perl
5)Vbscript(Microsoft)
6) C+++
7) Dreamwaver
8) Flash
9) Firework
10) Php oomida maanteywebsiteyadaintabadan kuaragto
asp kaamid ah
www.learnflash.com
iyo kuwo kale oo badan oo halkaan aan ku soo koobi karin laakiin waa hadaad rabto inaadqabiir ku noqoto (proffisional) lakiin hadaad is leedahay waxaan rabaa inaan web page aan leeyahay kaliya kusaartaa rabaa waxaan kugu taalinaayaa sida hoos ku xusan;
luuqada HTML
• Dreamwaver
• Firework
• Flash
• frontpage
intaas kaaga filnaanaysa laakin waa inaad ugu yaraan HTML study 7days aan ku indhobeesho ooaad fahanto iyo koorsooyin gaaban flash iyo firework ama Dreamwaver waad fahmi kartaa hadaad HTML xariif ku tahay isku soo duub waxaad u baahnaysaa3 bilood ooaad koorsooyinkaas gasho oo aad dadaasho iyo inaad hesho buugaagta ama cajalooyinka aad kabaran lahayd laakiin ogsoonoow marwalba cilmi maalin ama labo maalin lagu barto wuxuu ubaahan yahay dadaal dheeraad oo joogto ah dadaalaa waa gaaraa.
Content management system
A Content Management System (CMS) is a computer program that allows publishing, editing and modifying content as well as maintenance from a central interface. Such systems of content management .
CMS waa luuqada looyaqaano computer programing taasaa waxaay kuu ogolaanaysaa inaad wax ka bedbedesho ama wax ku darto ama aad gudaha u gasho faylal qaar ah .
CMS baryaahaan danbe waxaa aad u isticmaalo maadooyinka loo yaqaano websiteyada si fudud loogu dhiso oo aad ku samayn karto website meelkastoo dunida laga soo galo , taas waxaa sii dheer CMS wuxuu kuu ogolaayaa in dad qaarad kale joogo ay websitekaada waxay rabaan soo galin karaan , taasna waa tan sahashay in wixii soomaaliya daqiiqo kahor ka dhacay aad web ka hesho CMS waxaa isticmaalo maadooyinka
Joomla

Wordpress

Drupal i.w.m

Wordpress
Joomla
Drupal
Waxaan rajeynaynaa in mustaqbalka aan koorssoyin free ku bandhigno ama soo galino laakiin wixii intaas ka horeya waxaan kuu haaynaa ONLINE Class oo aan ku baran kartid isbuucii labo cashar hadaad kaas rabtid fadlan Riix Halkaan buux buuxi foomka kuu soo bixi doona inshalaah .


Haddii aad dooneysid in aad website u samaysid shirkaddaada, ganacsigaaga ama dugsigaaga waxbarashada, ugu horayn waxaa muhiim ah in aad diiwaan gashatid magaca website-ka (Domain).
Arrintaas muhiimadeeda iyo meelaha laga diiwaan gashan karo magaca website-ka waxaan kaga bogan doonaa casharkan oo kamid ah casharrada KADIYEGROUP.COM
Ka hor inta aynaan u gudbin diiwaan gelinta, waxaan marka hore dul istaageynaa qeexidda iyo waxa uu yahay Domain.
Waa Maxay Domain?
Domain waa magaca rasmiga ah ee websiteku yeelan doono, sida KADIYEGROUP;COM.
Tusaale ahaan, haddii aad dooneysid inaad guri dhisatid, waa in aad marka hore cabiratid booskii (bog-cad ama goof) aad ka dhisi lahayd guriga. Waxaa taas ka sii horeeya in laguu diiwaan geliyo booskaas oo lagu qoro magacaaga si aad u yeelatid mulkiyadda meesha laga dhisi doono guriga. Markaas kaddib ayaa guriga la dhisayaa ama loo sameeyaa naqshadda si loo dhiso.
Marka taas la barbar dhigo website-ka, waa in ugu horayn la diiwaan gashado magaca website-ka (Domain), kaddibna la iibsado Martigeliye (Host) oo ah meeshii lagu xerayn lahaa macluumaadka website-ka, markaas kaddib in loo sameeyo naqshadda, sida in lagu dhiso barnaamijyada HTML, PHP, WordPress iwm.
Muhiimadda Magaca Website-ka
Waxaa jira dhawr arrimood oo muhiim ka dhigaya xulashada iyo diiwaan gelinta magac website-ka oo aad adigu leedahay mulkayadiisa, waxaana ka mid ah:
Haddii magaca website-kaagu la mid yahay magaca shirkadaada waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarinta, sumcadda, xayaysiiska iyo faafinta magaca shirkaddaada.
Haddii magaca aad xulatay uu yahay mid si fudud loo xasuusan karo, kana tarjumaya shirkaddaada waxaa markaas dadka u sahlanaanaya in ay si fudud u xasuustaan una soo booqdaan website-kaaga.
Haddii aad bedeshid shirkadda martigeliyaha (Host), waxaad markaas si fudud ula wareegi kartaa magaca website-ka, uguna guuri kartaa Marti-geliye cusub. Markaas dadkii hore u booqan jirey website-kaaga sidoodii ayey u soo booqan doonaan maadaama uusan magacii is bedelin, waxa keliya oo is bedely waa marti-geliyaha.
Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in aad diiwaan gashatid magac (Domain) ka tarjumaya ganacsigaaga, hay’adaada ama dugsigaaga waxbaashada.
Qiimaha diiwaan gelinta (Domain-ka)
Diiwaan gelinta magaca website-ka waxaa xuddun u ah ururka lagu magacaabo ICANN (iyo ccTLD) ayadoo loo sii marayo shirkadaha diiwaan gelinta website-yada.
Qiimaha lagu diiwaan geliyo magaca website (Domain) qiyaas ahaan waa $10 doolar ama dhawr-iyo-toban doolar sannadkiiba. Taasi waxay xuquuq kuu siinaysaa in magacaasi kuu diiwaan gashanaado muddo hal sano ah, waana in sannad kasta la cusboonaysiiyo, oo sida caadiga ah aad sannad kasta bixisid qiime la mid ah kii lagu diiwaan geliyey.
FG: Qiimaha halkan ku xusan waa is bedeli karaa.
FG. Qiimaha diiwaan gelinta waxa kale oo uu kuxiran yahay nooca magaca webste-ka, sida .COM, .NET, .ORG, .INFO iwm.
Domain Lagu Diiwaan geliyo Lacag la’aan
Waxaa jira shirkado martigeliya website-ka (Hosting) oo lacag la’aan ku diiwaan geliya ‘Domain-ka’ marka ayaga laga gato (ama laga kiraysto) martigeliyahooda.
Laakiin waxaa inta badan lagu taliyaa in aadan aqbalin taas, oo aad adigu si gaar ah u diiwaan gashatid magaca website-kaaga, kaddibna aad marti-geliye gaarkiisa u kiraysatid, sababtoo ah:
Marka adigu aad magaca website-ka diiwaan gashatid, waxaa mulkiyadda magacaas leh waa adiga. Laakiin haddii shirkadda martigeliyaha ah ay diiwaan geliso waxaa dhici karta in magacaas aadan mulkiyadiisa lahayn.
Sidoo kale waxaa dhici karta in aad mixnad iyo hawl adag kala kulantid haddii aad ka guureysey martigeliyahii kuu diiwaan geliyey magaca (domain-ka) oo ay kugu cuslaato inaad si fudud ugu guurtid martigeliye kale.
Mar haddii magaca (Domain-ka) uusan adiga kuu diiwaan gashanayn, waxaa dhici karta in shirkadda bilaash-ka kuugu diiwaan gelisey ay is bedesho oo tiraahdo waa in aad bixisaa lacag aad u badan, waayo iyaga ayaa magacooda lagu diiwaan geliyey.
Haddii shirkadda marti-geliyaha ah ee magaca kuu diiwaan gelisey ay tahay shirkad aan la aqoon, oo markaas ay si degdeg ah suuqa uga baxdo, waxaa markaas dhici karta in magacii (Domain) website-kaagu uu sidaas baylah ku noqdo, farahaagana ka baxo. Haddiise uu meel kale kaaga diiwaan gashan yahay, markaas sifudud ayaad ugu wareegi kartaa martigeliyahii aad doontid.
Qodobadaas sare marka la tixgeliyo, waxaa muhiim ah in adigu aad diiwaan gashatid magaca(domain) website-kaaga si aad u yeelatid mulkiyadiisa, kana diiwaan gelisid shirkad aan kuu ahayn marti-geliye.
FG: Waxaa mar sii horeysey ila soo xiriiray nin doonayey in website loo naqshadeeyo, waxana uu ii sheegay in markii uu damcay in uu ka guuro marti-geliyihii websiteku hore ugu jirey ay ka xanibeen magacii, sababtoo ah domain-ka ayey markii hore lacag la’aan ugu diiwaan geliyeen, iyagoo xilligaas u sheegay haddii aad naga kiraysatid marti geliye waxaan lacag la’aan kugu siinaynaa doamin-ka.
Markii aan dabagal ku samaynay waxaa soo shaac baxay in magaca website-ku uu u diiwaan gashan yahay shirkadda marti-geliyaha ah. Waxayna nagu qadatay muddo aad u dheer iyo xiriiro badan oo aan la samaynay shirkaddaas in domain-kii uu u soo wareego mulkiyadda ninkii odayg aahaa ee lahaa website-ka.
Taasi waxay kuu muujineysaa muhiimadda ay leedahay in aad adigu magacaaga ku diiwaan gashatid website-ka.
Qiyaas marka website-kaga la barto, oo aad ku qoratid kaararka lagaala soo xiriiri karo, oo ku astaysid waraaqaha shirkaddaada oo dhan, oo markaas oo magacii website-kaaga aad la soo wareegi kari weydid, ama uu farahaaga ka baxo. Ka taxadar taas.
Maxaa looga Baahan yahay Diiwaan Gelinta (Domain-ka)
Mar haddii aan isla fahamney muhiimadda inaad magaca website-kaaga si gaar ah u diiwaan gashatid, waxaad u baahan tahay in aad qaadid tallaabooyinka:
Ugu hrayn inaad ka fekertid magac wanaagsan ee website-kaagu yeelan doono. Kana fekertid dhawr magac waayo waxaa dhici karta in hore loo diiwaan gashaday magaca aad ku fekereysid.
Waa in aad go’aan ka gaartid nooca uu noqonayo domain-ka, waxa uu noqon karaa .COM, .NET, .ORG, iwm.
Waxaad markaas u baahan tahay in aad akoon ku leedahay PayPal ama aad leedahay Credit Card. Waana waxa ay aqbalaan badanaa diiwaan geliyaasha website-ka.
Marka aad diiwaan gelisid websiteka kaddib ayaad kiraysan doontaa marti-geliye ama Host. Waxaana markaas si toos ah la isugu xiriirin karaa magaca website-ka (domain-ka) iyo marti-geliyaha (Host) – Taas oo aan hawl badan qaadan, waxaa la adeegsadaa habka loo yaqaan DNS / Name Servers oo isku xiriirinaya Domain-ka iyo Host-tiga.
FG: Waxaa muhiim ah in emailka lagu qoro foomka marka la diiwan gelinayo magaca webka, waa in ay ahaato emailkaaga. Waayo qofka emailkaas leh ayaa magaca websiteka u wareejin kara meeshii uu doono. Sidaas daraadeed waa in aad magaca webka ku diiwaan gelisid email aad leedahay, sida emailka aad ku leedahay Hotmail, Yahoo, Gmail, FastMail iwm
Xaggee laga Diiwaan Geliyaa (Domain-ka)
Waxaa jira shirkado farabadan oo laga diiwaan geliyo magaca website-ka, waxaana loo yaqaan Diiwaan-geliyaal. Waxaana lagu kala xushaa sumacaddooda, adeeg wanaagooda iyo qiimaha ay ku diiwaan gelinayaan magaac website-ka.
Shirkadaha hoose waxay kamid yihiina kuwa laga diiwaan geliyo website-ka.
Godaddy.com: Waa shirkad kamid ah ugu ugu caansan ee diiwaan geliya magaca website-ka. Link: http://www.godaddy.com/
Iyo shirkado badan oo kale, sida:
http://www.name.com/
http://www.register.com/
http://www.networksolutions.com/
http://www.namecheap.com/
http://www.1and1.com/ (FG: Eeg jawaabaha akhristayaasha, gaar ahaan jawaabta Jamaal).
http://www.enom.com/
(Akhri Jawaabaha akhristayaasha ee hoos ku qoran.)
FG: Waxaa muhiim ah in aad xasuusnaatid waqtiga aad diiwaan gashatay magaca website-ka oo noqon kara hal sano, shan sano, toban sano iwm. Waana in aad xasuusnaatid waqtigaas waayo haddii aadan cusuboonaysiin waa kaa dhacayaa diiwaanku.
Waxaana jira koox ugaarsada magaca website-ku marka uu dhaco oo markaas hore ka diiwaan gashada, ayagoo u dan leh in ay websitekooda cusub u weeciyaan dadkii soo booqan jirey website-kaaga.
Sidaas daraadeed diiwaan gelinta oo keliya hawshu kuma istaageyso ee waa in sidoo kale la cusuboonaysiiyo magacac website-ka marka uu soo dhawaado waqtigiisu.

Halkan marka aad soo gaartid, oo aad kuguulaysatid xulashada magaca website-ka, tallaabada xigta waa in aad kiraysa talabada xigta adaa sii wadaaya.

WEB DESIGN ARARTA DHAMMAAD

Comments

  1. Are you looking for an all in one company that can handle Web Design Cardiff
    , logo design, ecommerce design, graphic design, brochure and flyer design? Look no further than W3 Web Designs Ltd. We have the experience to create a professional presence and brand for your business or project. Over the last 10 years, W3 Web Designs have been offering web design in Wales, we have earned the respect and trust of more than 700 different clients.

    ReplyDelete
  2. Servicing Kissimmee, Florida WeIngage is pleased to provide Kissimmee, FL area businesses and associations with quality web design and development services. Our main goal has always been to create functional and custom websites for customers at all budget thresholds and in all industries including retail, manufacturing, professional services and much more. In addition, we provide &hellip kissimmee web design company

    ReplyDelete
  3. Nexevo Technologies will give best web design, Development, Logo SEO, PPC and Digital marketing with good quality & affordable price so keep in touch & get more information in our website:

    Top Website Designing Companies Bangalore | Top Web Designing Companies In Bangalore

    ReplyDelete
  4. Graceful written content on this blog is really useful for everyone same as I got to know. Difficult to locate relevant and useful informative blog as I found this one to get more knowledge but this is really a nice one.
    professional web development firm | affordable seo services

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. good post.the given information is very helpful.keep posting like this...Low Cost Web Design In hyderabad

    ReplyDelete
  7. Great designs catch eyes and create memories. Website's designed to be appealing get more traffic, clicks, likes, and shares. web design

    ReplyDelete
  8. To compose a finished document from some set of notes is an art and you have almost mastered that. Sensational stuff! Shopify web designer cost

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Barashada HTMLKa Casharka Shanaad 5

Baro HTML Casharka Sadexaad 3

Barashada HTMLKa Casharka Afraad 4